Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa saddex qof oo Kenyan ah ku dilay laba weerar oo ka dhacay gobolka Mandheera ee waqooyi-bari Kenya, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya.
Taliyaha booliiska gobolka waqooyi -bari ee Kenya Rono Bunei, ayaa xaqiijiyay labada dhacdo ee ka dhacay meel ku dhow xaduudka Soomaaliya, isagoo sheegay in saddex kale ay ku dhaawacmeen weerarrada.
Weerarka koowaad, ayaa ahaa mid gaadmo ah oo ay Al-Shabaab ku qaadeen saddex qof oo saarnaa gaari ka yimid Fino kuna sii jeeday Magaalada Mandheera aagga Kamor Bahaw Sabtidii, iyagoo dhowr xabadood ku riday gaariga.
Weerarka, sida ay sheegeen booliska iyo dadka deegaanka, waxaa ku dhintay haweeney xanuunsaneyd oo isbitaal loo waday, halka laba kalena ay dhaawacyo soo gaareen.
Saacado kadib ayay dableydu rasaas ku fureen gaari kale oo marayay duleedka Fino, waxayna isla goobta ku dileen nin iyo wiil uu dhalay.
Gobolka waqooyi bari ee Kenya ayaa waxaa ka dhacayay weeraro bambaano iyo mid toos ah dhowrkii sano ee ugu dambeeyay tan iyo markii Kenya ay ciidamadeeda soo gelisay Soomaaliya sanadkiii 2011 si ay ula dagaallamaan Al-shabaab.
Laakiin Kenya ayaa sheegtay in ciidamadeeda la geeyey gobollada koonfureed ee Soomaaliya ay ilaa hadda gacan ka geysatay ka hortagga dhaqdhaqaaqa walxaha qarxa, oo ay diyaariyaan Al-Shabaab iyo inay xaduudka uga soo gudbaan.



