Xildhibaannada dimuqraadiga Maraykanka oo dhalleecayay duqeymo Maraykanka ka fulyay Somalia

Xildhibaannada Xisbiga Dimuqraaddiga ugu sarreeya ee dalka Mareeykanka ayaa si kulul uga soo horjeestay duqeymihii ugu dambeeyay ee maamulka Madaxweynaha Mareykanka Biden ka fuliyay meelo kamid ah Soomaaliya.

Xildhibaannada ayaa sheegay in Madaxweyne Biden uusan wax sharciyad ah u marin duqeeymahaas, isla markaana uu marmarsiiyo ka dhigtay sharciyo labaatan sano ka hor jiray, kuwaas oo aan hadda la jaan qaadi karin marxaladda lagu jiro.

Go’ankaan kasoo baxay Xildhibaannada  Xisbiga Dimuqraaddiga ugu sarreeya ee dalka Mareeykanka ayaa daba socda kadib markii Wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka ay sheegtay in duqeymihii ugu dambeeyay ee lagu bartilmaameedsaday Alshabaab, in ay ku yimaadeen oggolaanshaha Isticmaalka Xoogagga Milateriga ee soo baxay sannadkii 2001 kadib weerarkii Mareykanka ee dhacay  11-kii Bishii September.

“Waxa kooxda Biden ay sameyneyaan waxay la jaanqaadeysaa wixii aan hadda ku aragnay saddexdii maamul oo hore, laakiin annaga ahaan, waa mid aan waafaqsanayn ujeeddada Congress -ka,” ayuu yiri Sen. Ben Cardin oo ah Xubin sare oo ka tirsan Guddiga Xiriirka Dibadda ee Senate-ka.

Ugu dambeyn Xildhibaannada Xisbiga Dimuqraaddiga ugu sarreeya ee dalka Mareeykanka ayaa ugu baaqay madaxweynaha Mareykanka in uu soo gudbiyo oggolaansho cusub oo ku aaddan adeegsiga xoogga milateri, si meesha looga saaro xeerka milatari ee soo baxay sannadkii 2001-dii.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa dhawaan tiro Saddex jeer ah waxaa ay duqeyn la beegsadeen Xarumo ay Al-Shabaab ku leeyihiin degaano ka tirsan gobolka Mudug, halkaas oo ay Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug howlgallo ka wadaan.