Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ku war galisay hay’adaha, shirkadaha, shaqsiyaadka iyo dhammaan cid walba oo ku shuqul leh xoolaha la gawraco Udxiyada inay iska soo diiwaan galiyaan Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Jubbaland.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa waxaa lagu yiri” waxaa lagu war galinayaa in aysan qali karin xoolo aysan fasaxin Wasaaradda oo masuul ka ah hawlahaan.
Sidoo kale Wasaaradda ayaa qoraalkeeda waxaa ay ku sheegtay in shirkadaha ay hubiyaan caafimaadka Xoolaha ay gowracayaan, sidoo kalena Wasaaradda ay hubin doonto Goobaha loo qorsheeyay in lagu gowraco Xoolaha.
Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka Wasaaradda.