Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war qoraal ah ka soo saartay xoolaha lagu qallo xaafadaha, xilliyada lagu guda jiro waajibaadka Ciidul Adxa.
Wasaaradda ayaa fartay dhammaan hey’adaha samafalka ee ka shaqeenaya fulinta barnaamijyada Udxiyada in ay u hogaansamaan awaamiirta wasaaradda, isla markaana aan xoolaha lagu qalin goob aan aheyn kawaanada loogu tala-galay.



