Ciraaq oo soo riday Drone iyo qasaare ka dhashay

Ciidamada Ciraaq ayaa ku soo riday diyaarad Drone ahayd galbeedka Ciraaq, halka laba qof oo rayid ahna lagu dilay koonfurta gobolka Dhi Qar, sida ay ku warantay wakaalada Anadolu.

Sarkaal booliis ah ayaa sheegay in diyaaradda Drone-ka ee la soo riday xilli ay dul heehaabeysay taliska guud ee booliiska ee galbeedka magaalada Fallujah ee gobolka Anbar.

Wuxuu sheegay in diyaaradan ay ku rakibnaayeen   kaamirooyin, taasi oo ujeedkeedu ahaa basaasnimo, isaga  oo shaaca ka qaaday in loo adeegsaday basaasida ciidamada amaanka ee magaalada.

Ilaa hadda majirto cid sheegatay in diyaaradaan ay lahaayeen, balse Kooxda ISIS ayaa wali ka howlgasha gobolka Anbar oo iyadu inta badan dagaal la gasha ciidanka dowlada ciraaq.