Maamul cusub oo loo doortay degmada Jariiban

Waxaa goor dhawd degmada Jariiban ee gobolka Mudug ka bilowday doorashada gudoomiyaha iyo gudoomiye kuxigeenka degmada Jariiban.

Waxaana kulanka goob joog ah madax ka socoday golayaasha Dawladda sida Wasiiro, Xildhibaano, Gudoomiyaha Gobolka Mudug

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha, Isuduwaha Wasaarada Arimaha Gudaha, Gudoomiyaha Degmada Xarfo, Agaasimaha Dawladaha Hoose iyo Xiriirka Gobolada iyo marti sharaf kaloo badan.

Gudoomiyaha cusub ee degmada jariiban waxaa loo doortay 5 sano ee soo socota cali saciid c/nuur khaliif, halka ku xigeena loo doortay mursal cabdule khalaf.