Maxaa maanta looga hadlay Shirka Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka furmay?

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirka madaxda maamul gobleedyada, gobolka Banaadir iyo madaxda dowladda federaalka. Shirkan oo uu ku baaqay rai’sul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo la xiriira doorashada iyo sidii loo dardargelin lahaa.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo horey u shaaciyay in uusan shirkan ka qeybgeli doonin, ayaa imika qaabka fogaan aragga shirka uga qeybgalay.

Qodobbada iyo waxyaabaha sida gaarka ah diiradda loogu saarayo Waxaa Warbaahinta u faahfaahiyay Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu, waxaana sheegay in looga hadlay dardargalinta howlaha doorashooyinka.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in aysan waxba jirin wararka sheegaya in qodobada qaar ee heshiiskii 17 Sebtember wax laga badali dono, islamarkaana lasoo kordhin doono qodobo cusub.

Shirka ayaa lagu waddaa in uu sii socdo maalmaha soo socdo.