Sheekh Shariif oo ku baaqay in fursad la siiyo Rooble kana hadlay Shirka 20-ka Bisha

Madaxwweynihii hor e ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa bogaadiyay dadaallada uu waddo Ra’iisul wasaare Rooble oo ku aadan arimaha doorashooyinka dalka.

Waxaa uu ugu baaqay in shirka 20-ka bishaan xoogga la saaro si dalka uu aado doorasho deg deg ah oo ku dhacda xilligii loogu tala galay.

“Waxaan rajeynayaa kulanka 20ka bishan loo madlan yahay kaas oo looga hadlayo dhamaystirka heshiiskii doorasho ee 17 September inuu noqdo mid mira dhal ah oo guulaysta si dalku u galo marxalad doorasho oo nabdoon, raallina laga wada yahay taasoo fure u noqon doonta in lagu qanco natiijada Doorashada” ayuu sheekh Shariif.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Waxaan sidoo kale kalsooni buuxda ku qabaa dadaalada socda ee xal u helidda arrimaha Doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, anigoo aaminsan in R/Wasaaraha lasiiyo fursad uu ku guto mas’uuliyadda weyn ee laga sugayo ee ah qabashada doorasho xor iyo xalaal ah”