Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr. 05, ku magacaabay Taliye Qaybeedyadda Gobollada Sanaag iyo Karkaar.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa lagu yiri”
Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad
Markuu arkay: Talo soo jeedinta Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dar-dargelinta hawlaha Amniga ee gobolada Sanaag iyo Karkaar
Wuxuu xeeriyey:
- Waxaa G/sare Cabdikariin Maxamed Cabdulle loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sanaag.
- Waxaa G/sare Faarax Nuur Maxamed loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Karkaar.
Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo,