Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dastuurka dalka & qawaaniinta Caalamiga ah ay sheegayaan in maamulka doorashada laga fogeeyo saraakiisha Ciidanka, Shaqaalaha rayidka ah, xubnaha garsoorka iyo dumlamaasiyiinta.
Waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in Ciidamada amaanka aysan ku milmin siyaasadda, isla markaana kaliya looga baahan yahay sugida Amniga xarumaha ay ka dhacayaan doorashooyinka.
Xasan Sheekh waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in waqtigaan guddiyada doorashooyinka dowladda  Soomaaliya & dowlad goboleedyada ay ku jiraan Saraakiil ka tirsan Nabadsugida, isla markaana cadeymo cad ay u hayaan.
Hadalkaan ayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu ka sheegay kulan dood wadaag ah oo ay qabatay xarunta talo-soo jeedinta Soomaaliyeed , kaas oo lagu qabtay muqdisho.