Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Magaalada Baydhabo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay Maanta gaareen  Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin Wasiirka Cadaallada Soomaaliya, Xubno Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa Garoonka Diyaaraha Shaati-Gaduud ee magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Baarlamaanka, wasiiro & Xildhibaano ka tirsan Maamulkaas iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Magaalada Baydhabo, hayeeshee wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in ujeeda uu yahay dardar gelinta howlaha doorashoyinka iyo Amniga, waxaana uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa booqan doona Xerooyinka Ciidamada Dowladda ee qeybta 60aad si uu ugu kuurgalo xaalada Ciidamada, waxaana uu kulan la qaadan doonaa Saraakiisha Ciidamada.

Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey, waxaana laga dareemayaa joogitaanka Ra’iisul Wasaare rooble oo Maanta halkaasi tegay tan iyo markii loo Magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha.