Cabsi soo wajahday Soomaalida ku nool Koonfur Afrika & Gaadiid la gubay

Maalmihii la soo dhaafay Magaalooyin kamid ah dalka Koonfur Afrika waxaa kusoo kordhay rag hubeysan oo gubaya gaadiidka u raran Ganacsatada iyo Hantida saaran.

Weerada Gubida ah ayaa inta badan lagu sameeyaa Gaadiidka nooca xamuulka qaado ah, waxaana xalay kaliya gudaha dalka Koonfur Afrika lagu gubay 5 Gaari taasoo ka dhigaysa in maalmo gudahood in ka badan 20-Gawaarida isjiidka ah la weeraray islamarkaana dab la qabadsiiyey.

Gaadiidka la gubayo ayaa intooda badan waxaa darawalo ka ah dadka Ajaanibta ah, waxaan ku jira gaadiidka la gubay kuwo ay darawalo ka ahaayeen Soomaali, kuwaas oo naftooda la baxsaday.

Qaar kamid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika oo markii hore qabay dhibaatooyin kala duwan ayaa Cabsi soo wajahday, waxaana ay sheegeen in Gawaarida la gubayo qaarkood ay  hanti kusoo qaataan halka qaarkood ay darawalo ka yihiin.

Dhibaatada ugu daran ayaa waxaa dalka Koonfur Afrika ay kasoo gaartaa Ganacsato isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan, kuwaas oo loo geysto dil, dhaawac iyo in la boobo hantidooda.

Madaxda dalalka Soomaaliya iyo Koonfur Afrika ayaan weli ka hadlin dilalka iyo Boobka lagu haayo Somaalida, kuwaas oo sanadba sanadka ka dambeeya ay sii kordheyso.