Somtel oo ka jawaabtay baahida internetka dadweynaha soomaaliyeed sedexdii cisho ee la soo dhaafay ee internetku cilad darteed u maqnaa
Shirkadda isgaarsiinta Somtel ayaa siweyn waxaa ay u dabaashay Baahida Internet-ka ee ka dhacday Soomaaliya Mudada Saddexda Cisho aheyd, kaddib markii uu cilad aawgeed u maqnaa Internet-ka.
Mudada Saddexda Cishada aheyd ayaa waxaa dadka Soomaaliyeed ay si wanaagsan Taleefoonkooda Gacanta uga isticmaalayeen Simcard-ka Somtel qof walba isaga oo jooga Gurigiisa.
Xarumaha waaweyn oo ay Muqdisho iyo Gobolada dalka ku leedahay Shirkadda isgaarsiinta Somtel ayaa waxaa lagu arkayay Boqolaal Ruux oo doonaya inay qaataan Simcard-ka Somtel maadaama uu aha midka kaliya ee Internet-ka laga isticmaalayay.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa uga mahad celiyay shirkadda isgaarsiinta Somtel sida ay u dabaaloonee baahida Internet-ka ee ka dhacday dalka, halka Maamulka guud ee Shirkadda isgaarsiinta Somtel uu dhankiisa u mahad celiyay Shacabka Soomaaliyeed ee sida wanaagsan u isticmaala adeegyada kala duwan ee Shirkadda.




