Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Thiago ayaa isha ku haya inuu ku biiro Liverpool xagaagan ka dib markii uu wadahadalo uu ugu dhaqaaqayo Anfield la yeeshay Jurgen Klopp.
Ciyaaryahanka reer Spain ayaa go’aansaday inuu ka tago Allianz Arena xagaagan ka dib 7 sano oo uu la joogay kooxda ka ciyaarta Bundesliga.
29 jirka ayaa qandaraaskiisa waxaa ka harsan hal sano, waxaana uu kooxda u sheegay inuu doonayo inuu helo tartan cusub.
Bayern ayaa raadineysa ku dhawaad 30 milyan euro haddii uu baxayo ciyaaryahanka qadka dhexe laakiin warbixinadii isbuucaan ayaa sheegayay in Liverpool aysan dooneynin inay la soo wareegaan xiddigii hore ee Barcelona iyadoo Klopp uu ku qanacsan yahay qadkiisa dhaxe.
Sikastaba, sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, Klopp wuxuu dhowaan wadahadalo la yeeshay Thiago wuxuuna carabka ku adkeeyay sida uu u doonayo inuu xagaagaan la soo wareego.
Jurgen Klopp ayaa doonaya ciyaaryahanka halka Thiago uu doonayo inuu u ciyaaro Liverpool, ”ayuu Romano sheegay.
“Thiago iyo Klopp waxay wadahadalo ku jireen usbuucyo, wuxuu doonayaa inuu ku biiro Liverpool” In kasta oo horumar laga gaaray wadahadalada, Liverpool ayaan weli u gudbin dalab furan oo ku aadan 29 jirkaan koxodiisa laakiin dalab kasta ayay ubadan tahay inuu garo 27 milyan ginni.
Liverpool ma rabto inay bixiso qiimaha ay dooneyso Bayern mana aysan taasoo wali ah caqabad la gudbin,” ayuu yiri Romano.
Liverpool ayaa ka baxday heshiiskii ay kula soo wareegi laheyd weeraryahanka RB Leipzig Timo Werner madaama ay dareensanaayeen in qiimaha 55ka milyan ginni uu ku cuslaa.
Dhaqaalaha kooxda waxaa saameyn ku yeeshay cudurka faafa ee coronavirus waxaana Klopp uu ku raacsan yahay golihiisa sare in isbedelada kooxda dib loo dhigo ilaa xilli ciyaareedka soo aadan.



