Waxaa loo maleynayay in Dani Ceballos mustaqbalkiisa Real Madrid uu soo gabagaboobay markii uu amaah ugu biiray Arsenal, laakiin Los Blancos ayaa haatan ka fiirsaneysa bal inay dib ugu yeerto ciyaaryahanka iyo in kale.
Odegaard ayaa hore loogu yeeray Estadio Santiago Bernabeu isagoo kaga yimid kooxda Real Sociedad sanad amah ah kadib, waxay umuuqataa inay kooxda Real Madrid raadineyso inay soo ceshato ciyaartooydeeda halkii ay suuqa ka gali laheyd.
Waxa iska cad in khadka dhexe uu u baahan yahay xoojin xagaagan.
Kooxda ayaa waxay dooneysaa Ceballos inuu kusoo laabto oo uu xilli ciyaareed soosocda la shaqeeyo Zidane kadibna go,aan laga gaaro mustaqbalkiisa.
Si kastaba ha noqotee ciyaaryahanka laftiisa ayaa ku raaxaystay Waqooyiga London, halkaas oo uu Mikel Arteta door muhiim ah kaqaatay ku guuleysigoodii FA Cup.



