Barcelona iyo Bayern Munich ayaa ku dagaallami doona Jimcaha Agoosto 14 garoonka Estadio Da Luz ee Lisbon wareega quarter-finalka Champions League, in kasta oo ay labada koox kulmeen dhowr jeer, tani waa wax aad uga badan kubada cagta.
Ciyaartii ugu dambeysay ee tartan rasmi ah oo ay wadaagaan labada koox ayaa timid 2015 markii kooxdii Luis Enrique ee Barcelona ay kala tuureen kooxda Bavaria isla markaana xaqiijisteen booskooda finalka ee Berlin.
Inta badan tababarayaasha, ciyaartoy magaca leh ee adduunka ayuu kulmiyaa kulankaan. Waxaa sidoo kale jira xiriir o kaal duwan oo uu kulanka leeyahay.
Guardiola iyo Van Gaal Labadooda waxay soo tababareen Barcelona iyo Bayern Munich waqtiyo kala duwan. Van Gaal wuxuu ku qaatay seddex xilli ciyaareed intii u dhaxeysay 1997 ilaa 2000 garoonka Camp Nou halkaasoo uu kula guuleystay labo LaLiga, hal Copa del Rey iyo Uefa Super Cup. finalka Champions League oo ay sidookale ka qaatay kooxda Inter.
Guardiola, dhanka kale, wuxuu arday u ahaa Van Gaal waqtigiisii Barcelona, ugu dambeyntiina waxaa loo magacaabay macalinka Los Cules xagaagii 2008.
Sanadkiisii ugu horreeyay wuxuu ahaa guulo la yaab leh mid qaatay madaama uu ku guuleystay LaLiga iyo Champions League.
ka dib sii joogistiisii ilaa 2012, waxay ka dhigtay mid ka mid ah kooxdihi ugu fiicnaa taariikhda kubada cagta Barcelona ka hor inta uusan ka tagin.
Labada koox waxay min shan jeer ku guuleusteen Champions League, iyadoo guushii ugu dambeysay ay la timid Barcelona oo ku guuleysatay Finalkii Berlin sanadkii 2014/15.
Ciyaartoyda wadajira ahaan ugu ciyaaray labada koox waa 7 ciyaartoy oo ay wadaageen labada Bayern Munich iyo Barcelona waxaana ugu horeyay Patrick Anderson, iyadoo daafaca reer Sweden uu u saxiixay Barcelona 2001/02 isagoo ka yimid kooxda Bavaria.
Goolhaye Pepe Reina wuxuu ku biiray kooxdii ugu horeysay ee Barcelona xilli ciyaareedkii 2000/01 bilowgiisii ciyaareed. Waayihiisii Villarreal waxa uu u horseeday inuu u dhaqaaqo Liverpool halkaasoo uu ku ciyaaray sideed xilli ciyaareed, ka hor inta uusan Pep Guardiola u wareejin Bayern Munich halkaas oo uu kula guuleystay Bundesliga.
Mark van Bommel ayaa hal xilli ciyaareed ku ciyaaray Camp Nou 2005/06 halkaas oo uu kula guuleystay afar koob oo ay ku jirto Champions League ka dib markii ay ka badiyeen Arsenal finalka Paris. Kadib wuxuu u saxeexay kooxda Bayern Munich isagoo door muhiim ah ka qaatay inay dib usoo laabato kooxda.
Markii loo arkay inuu booskii ku fadhiyo Xavi Hernandez, Thiago Alcantara lama filaan ah ugu dhaqaaqay kooxdii Guardiola ee Munich.
Philippe Coutinho iyo Arturo Vidal ayaa ah labada ciyaaryahan ee ugu dambeeyay ee matalay labada naadi.
Coutinho ayaa yimid Barcelona jiilaalkii 2018 ka dib wadahadalo aad u adag oo uu kaga soo dhaqaaqay Liverpool.
Xiddiga reer Brazil guud ahaanba wuu liitay tan iyo markii uu yimid Spain ka dibna amaah ayuu ku aaday Bayern Munich xilli ciyaareedkaan 2019/20. isaga oo wajahaya mustaqbal aan la hubin.
Vidal ayaa si toos ah ugu soo wareegay kooxda reer Catalonia dhanka Bayern xagaagii 2018. Wuxuu fure u ahaa kooxda Jarmalka laakiin rikoorkiisa dhaawaca ayaa ku dhiirigaliyay Chilean inuu baxo.
Kooxda Jarmalku waxay ahaayeen kooxdii ugu dambeysay ee ku badisa garoonka Camp Nou Champions League-ka.
Tani waxay timid lugta labaad ee semi-finalka xilli ciyaareedkii 2012/13 halkaas oo Bayern Munich ay ku badisay 3-0. Tan iyo markaas, Barca ma dareemin guuldarro tartanka Yurub garoonkooda.



