Ciidamada Dowladda oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobolka Mudug

Ciidamada Kumaandooska Danab ee ka howlgala Maamulka Galmudug ayaa saacadihii la soo dhaafay Howlgal ka sameeyeen deegaanka Wargalo oo qiyaastii 70 kiilo mitir dhinaca koofur Barri kaga beegan Galmudug.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa Ciidanku waxa ay ku qaadeen guri ku yaalla deegaankaas oo lagu tuhmaayey xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen gacanta lagu dhigay shaqsigii bartilmaameedka ahaa, kaas oo isku dayey inuu is difaaco kana baxsado goobtaas, balse gacanta lagu dhigay.

Kumaandooska Danab ayaa inta ay Howlgalka wadeen waxa ay la kulmeen iska hor imaad kooban oo uu ku dhaawacmay askari ka tirsan Ciidamada DANAB ee howlgalka fuliyay.

Ciidamada Dowladda ee ku sagan deegaannada Galmudug ayaa dhowr jeer waxaa ay howlgallo ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolkaas gaar ahaan deegaanka Camaara,waxaana jiray dagaal ay la galeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.