Puntland oo sheegtay in uu hoos u dhacay kiisaska Coronavirus ee deegaanadeeda

Guddiga Maamulka Puntland u qaabilsan wacyigalinta iyo ka hortagga cudurka Covid-19 ayaa shaaciyey in 24-kii saac ee la soo dhaafay uu hoos u dhacay kiisaska la xiriira Cudurka ee laga helo deegaannada puntland kadib baaritaano la sameeyay.

War kasoo baxay Guddiga oo uu Warbaahinta u Akhriyay Afhayeenka Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in labadii maalmood ee la soo dhaafay xanuunka laga baaray 76 qof waxaana laga helay 19 qof, 16 kamid ah waa Rag halka Saddexda kale yihiin dumar.

Dadkii ugu dambeeyay ee kiisaska Coronavirus laga helay ee deegaannada Puntland ayaa waxaa ay kala joogaan Gobolada Mudug, Bari, Karkaar iyo Nugaal,waxaana Afhayeenku uu sheegay in tani ay ka dhigan tahay hoos u dhac ku yimid kiisaska COVID-19.

Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay Shacbaka ku nool deegaannada Puntland inay qaataan talooyinka Wasaradda Caafimaadka,isla markaana ay sameeyaan kala fogaansho xilli loo diyaar garoobayo maalmaha Ciida.

Guud ahaan dadka xanuunka Coronavirus laga helay deegaannada Puntland ayaa gaartay 155 waxaana u geeriyooday 5 qof halka ay soo kabteen 5 qof oo kale,kuwaas oo dhamaantood ah Soomaali aan ka bixin deegaannada Puntland.