Maamulka degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir ayaa Maanta soo bandhigay Nin Dhalinyaro ah oo ay sheegeen in gacanta lagu soo dhigay xilli uu doonayay in uu dilo Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha degmada Hodan Cabdi Kariin Dhagjuun ayaa sheegay in ninkaasi uu ka tirsan yahay Al-Shabaab,isla markaana Shacabka degmada Hodan ay qabteen xilli uu doonayay dilka Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska,kaas oo ku sugnaa Waaxda Octoober ee degmadaasi Hodan.
“Waxaan u mahadcelinayaa shacabka Degmada Hodan gaar ahaan waaxda October oo gacanta ku dhigay xubin ka tirsan Alshabaab oo isku dayay inuu dilo sarkaal ka tirsan Booliska Soomaaliyeed. waa dhaqan ugub ah in shacabku soo qabtaan haraadiga cadowga, Sababta Degmada Hodan ay ku gashay kaalinta koowaad ee Degmooyinka gobolka Banaadir waa dhiiranaan iyo isku xirnaanta dadkeeda Bisha Ramadan dhexdeeda waa dhagarqabihii 3-Aad oo sidan oo kale shacabku Qabtaan ayuu yiri”Guddoomiyaha.
Sidoo kale Guddoomiyaha waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray inay har iyo habeen u taagan yihiin si degmadaani u noqon laheyd mid nabdoon oo ka hormarsan degmooyinka kale ee gobolka maadaama ay tahay Degmada ay ku yaalaan xarumaha ugu muhiimsan ee dowlada, ganacsiga, waxbarshada, caafimaadka, Hey,adaha IWM.



