Akhriso:-Tirada Soomaalida uu Yurub ku diley Cudurka COVID 19

Xanuunka COVID-19 ee uu dhaliyo Coronavirus ayaa faro ba’an ku haya qaar ka tirsan Soomaalida qurbaha, gaar ahaan kuwa ku nool Yurub, oo aad cudurka uu u dilayo.

Dalalka Sweden iyo Britain oo kaliya waxaa xanuunkan ugu geeriyooday dad 40 qof ku dhow oo Soomaali ah iyada oo ay tobannaan kalena la jiifaan.

Sababta ugu weyn ee kiisaskan cudurkan ku badiyey ayaa lagu sheegay in inta badan ay Soomaalida wada degan yihiin ama ay isugu tegaan xaafadaha.

Arrintan ayaa waxaa hadda ku baraarugay dowlado ay ka mid tahay dowladda Sweden oo billowday barnaamijyo si toos ah loogu wacyigelinayo Soomaalida halista faafitaanka cudurkan.

Dadka Caanka ah ee Soomaalida ee Yurub ugu geeriyoodey Coronavirs ayaa waxaa kamid ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen( Nuur Cadde) Ciyaaryahankii hore ee Xulka Qaranka Soomaaliya Iyo Kooxdii Batroolka Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Biriq) iyo dad kale.