Ciidanka Dowladda Soomaaliyeed ee Jooga baraha koontarool ee laga soo galo dagmada Baardheere ee gobolka Gado ayaa qabtay Qaad si sharci daraha loo soo galin rabay magaaladaas iyadoona ugu dambayn aroorti hore ee saaka lagu gubay bartamaha Magaaladaas.
Saraakiisha Ciidamada ururka 49aad guutada 10aad Qaybta 43aad ee Ciidanka Xooga Ayaa shacabka uga digay isticmaalka maandooriyahan iyo qatarta fidida Cudurka Covid19.
Xidigle Daa’uud Hafow Cali Taliyaha amniga magaalada Baardheere ee Ciidamada xooga dalka ayaa ka wabixiyay Sida lagu so qabtay Qaadkan waxaana mar kale uu ku celiyay in Cidii lagu helaa Qaad ay sidaan oo kale oga hortagayaan lana ogalaanayn in Baardheere Cudur lagu dhax iibiyo sida uu hadalka u dhigey.
Dhawaan Dowladda Soomaaliya ayaa Gudaha garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa ay ku dhex gubtey jaad la sheegay in si qarsoodi ah looga keenay dalka Itoobiya.



