Raiisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo Xafiiska Warbaahinta Kula hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadeyso tilaabooyin looga horragayo Cudurka Covid 19.
Kheyre ayaa amray in dhammaan la joojiyo kulamada dadweynaha Xafladdaha iyo dhammaan isku imaanshaha.
“Waa in aan aqbalnaa in aan ku jirno xaalad aan caadi ahayn oo aan garwaaqsannaa in caabuqa COVID-19 dhab yahay sidaas darteed waa in aan muujinnaa foojignaan dheeri ah si aan dadkeenna u badbaadinno”ayuu yiri Kheyre.
Waxaa uu sidoo ku dhawaaqay in dhammaan duulimaadyadda iyo Goobaha Waxbarashada ay sii xirnaan doonaan ilaa Amar dambe.



