Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Barcelona Ousmane Dembele ayaa lagu soo waramayaa inuu yahay mid diirada u saaran kooxda Chelsea.
Iyadoo Blues ay si fiican kaga fakireyso bedelka Willian, Pedro iyo Olivier Giroud oo dhammaantood laga yaabaa inay ka tagaan Stamford Bridge xagaaga waxay isha ku heysaa Dambele.
Taasi waxay horseedi doontaa in Frank Lampard uu keeno magic weyn, gaar ahaan ciyaryahanka garabka ka ciyaara oo la dagaalami kara Christian Pulisic iyo Callum Hudson-Odoi.
Sida ay sheegayaan wararka ka soo baxaya Spain, Chelsea ayaa diyaar u ah inay bixiso lacag dhan 80 milyan euro si ay u helaan xiddiga reer France inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga.
Inkasta oo ay taasi ka dhigan tahay khasaare weyn oo Barcelona ah, mas’uuliyiinta kooxda ayaa laga yaabaa inay diraan ciyaryahanka sabab la xiriirta dhaawacyadiisa.
22 jirkan ayaa kaliya shan kulan kusoo bilawday isagoo afar badal ku yimid LaLiga ah iyo Champions League intii lagu gudajiray ololaha haatan socda.



