DHAGEYSO: Duqa Muqdisho oo la kulmay xubno ka socda Bankiga aduunka

Muqdisho-RisaalaFM- Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta la kulmay Hey’ado ka socday Bankiga aduunka, iyadoo ay ka wada hadleen hor marinta caasimada iyo dib u dhiska degmooyinka gobolka iyo wadooyinka bur bursan ee caasimada

Gudoomiyaha iyo Mas’uuliyiinta ka socotay Bankiga aduunka  ayaa isku afgartay dhismaha wadooyinka ugu muhiimsan ee caasimada iyo in la dhiso 17-ka dagmo ee gobolka Banaadir.

Sidii kale waxa ay Labada dhinac isku afgarteen dhismaha 3-da wado ee ugu muhiimsan magaalada Muqdisho si loo dhameystiro dhismaha wadooyinka

kulanka waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska  iyo xubno kale oo Labada Golle ee dowladda ka socday.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo kulanka ka dib warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay kulanka iyo waxyaabaha looga hadlay.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa horey u sheegay in ay ku guuleysteen dhismaha Labada wado ee WEadajir iyo mida Sayidka.