Zidane oo qarka usaaran in uu la soo wareego daafac ka tirsan Atletico Madrid

Atletico Madrid daafaceeda Jose Maria Gimenez ayaa radar-ka usaaran kooxda Real Madrid, inkastoo Pepe iyo Sergio Ramos xarunta line daafaca dhaxe ee Madrid muddo ku dhow toban sano ay kusugan yihiin.

Gimenez, ayaa kaliya 21-sano jir ah, waxaana lagu burburin karaa qandaraaskiisa 65 milyan oo euro aisagoo hadda u ciyaaraya xulkiisa UruguayCopa America, inkastoo ay kaso hareen.

Real ayaa iska diiday Gimenez markii Sergio Aguero uu ka tagayay caasimada Spain kuna biirayay kooxda Manchester City.

Zinedine Zidane ayay u baahan tahay inuu u dhaqaaqo Gimenez haddii midkood Raphael Varane ama Nacho Fernandez go’aansado inuu ku biiro koox kale.