Barcelona ayaa isha ku haysa daafaca dambeedka midig ee kooxda Southampton Cedric Soares.
Kooxda La Liga ayaa u aragta bedelka ninka reer Brazil ee Dani Alves, kaasoo ka tagay Camp Nou xagaagan kuna wajahan Juventus.
daafaca Saints ayaa kujira liiska musharixiinta ay dooneyso Barcelona, waxaana ku wehliya daafaca Arsenal Hector Bellerin iyo sidoo kale kan Chelsea Cesar Azpilicueta.
Soares, oo 24 jir ah, ayaa ah mid ka mid ah ciyaartoyda reer Portugal ee Barcelona daawatay kulankii xulkiisa 7-0 kaga badiyeen Estonia Arbacadii.


