Zinedine Zidane ayaa ku soo laabtay Spain si uu u badbaadiyo Real Madrid bishii Maarso, laakiin shan bilood ka dib Los Blancos ma aysan gaarin heerkii looga baahnaa si looga tago wax walba oo dhacay xilli ciyaareedkii hore.
Sabtidii iyadoo Real Valladolid ku lumisay dhibco, taasi waxa keentay in ay kulmaan agaasimeyaasha naadiga si wax la isaga weydiiyo xaalada kooxda.
Soo laabashada James Rodriguez iyo Gareth Bale safka hore ee Madrid ayaa ka farxiyay dad badan kulankii ugu dambeeyay, laakiin go’aanadii Zidane ee qeybtii labaad ma uusan qancin taageerayaasha kooxda.
Los Blancos ayaa awoodi weysay inay difaacdaan goolkooda kadib markii uu shabaqa soo taabtay Karim Benzema, waxaana Bernabeu laga aqbalin wali dhibcaha ay ku qasaarisay kooxda Los Blancos.
Guushii ay ka gaartay Madrid kooxda Celta Vigo isbuucii hore bilowga La Liga ayaa rajo fiican waxaa ka muujiyay taageerayaasha Real Madrid.
laakiin natiijadii ka soo gaartay Real Valladolid ayaa bedeshay rajada taageerayaasha.
Zidane wuxuu helay taageero buuxda oo kooxda ah xaggan, waxaana uu lasoo saxiixyaday ciyaartooydii uu u baaahnaa, laakiin hadda waa waqtigii si dhab ah loola xisaatami lahaa isaga.
Wuxuu umuuqdaa inuu soo nooleeyay kacankii dhicisoobay ee kooxda James iyo Bale, laakiin wuxuu u baahan yahay inuu xal u helo Vinicius Junior oo aan helin wixii ugu wanaagsanaa tan iyo markii ay kooxda sameysay saxiixyada cusub.
Eden Hazard ayaa bedeli kara nasiibka xun ee Real Madrid marka uu ka soo laabto dhaawaca.
Kooxda ayaa weli u aragta Zidane inuu yahay midka ugu haboon ee hogaamin lahaa, laakiin go’aanada tababaraha qaarkood ayaa la yaab leh.
Wuxuu wajihi doonaaa Villarreal axada, waxaana isugu xigi doona Atletico Madrid iyo Sevilla.
Kulamadaani waxay astaan u noqon karaan mustaqbalka Zidane iyo kooxda Real Madrid.



