Wararkii ugu dambeeyay ee Suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda

Lix maalmood, 144 saacadood ayaa ka harsan suuqa kala iibsiga,iyada oo suurtagal ay tahay in lagu bixiyo 600 milyan oo Euro.

Kani waa usbuucii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga horyaalada waaweyn ee qaarada yurub (marka laga reebo Premier League, oo horeyba u xirmay in kasta oo kooxaha Premier League ay iibin karaan ciyaartoy).

Waxaa jira dhaqdhaqaaqyo waaweyn oo laga sugayay suuqa maalmaha ka haray.

Magacyada wali sugaya inay ka tagaan kooxahooda ka hor inta uusan xirmin suuqa waxaa kamid ah Neymar, Rodrigo, Pogba, Correa, Mariano, Rakitic  iyo kuwo kale.

Ilaa iyo haatan kooxaha reer Spain waxay soo bandhigeen awood dhaqaale oo aad u weyn, iyadoo Real Madrid ay hogaamineyso kooxaha dhaqaalaha ugu badan suuqa ku bixiyay.

Kooxda ka dhisan Bernabéu ayaa qarash gareysay 298 milyan euro, waxaana ku xigay kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona oo bixisay 255, halka Atlético (243) ay bixisay.

Waxay aad kaga fogyihiin kooxaha Ingiriiska iyo dhaqaalihii ay ku bixiyeen suuqa xagaagan, iyadoo Manchester City (168), United (159), Arsenal (152) iyo Aston Villa (148).

Naadiyada Talyaaniga Juventus (188) iyo Inter (138) waa kooxaha Serie A ee lacagta ugu badan bixiyay ilaa haatan, halka France Monaco (123) ay bixisay, halka PSG, oo ka baqeysa ‘Fair Fair Play Play’. kaliya 80 ay bixisay.

Pogba, Neymar, Rodrigo, Mariano  ayaa dhamaana noqon kara magacyada ugu weyn eek u lug yeeshay suuqa kala iibsiga maalmaha ka haray.

Waxaa loo maleynayaa in lacag dhan 600 milyan oo yuuro lagu daro qiimaha suuqa kooxaha qaaradda Yurub ka hor inta uusan xirmin.

Pogba ayaa weli ku fadhiya qiimo dhan 170 milyan lagu qiimeynayaa (in kasta oo la wareegsitiisa ay hadda tahay wax xoogaa mid la yaab leh), Neymar ayaa weli ku jira ajendayaasha labada koox ee Real Madrid iyo Barcelona isla markaana u dhaqaaqistiisa La Liga ayaa loo arki doonta mid lacag weyn lagu bixiyo.

Atlético ayaa u muuqata inay Rodrigo ku bixin karto qiimo 60 milyan (Correa wuxuu u baahan yahay inuu ugu dhaqaaqo Milan haddii ay bixiso qiimo 50).

Madrid ayaa rajeyneysa inay 20 milyan ku fasaxdo Mariano, halka Rakitic oo keydka fadhiyay kulankii Betis la rajeynayo inuu 50 milyan oo ginni kaga tago Barcelona.