Zidane oo ka hadlay haddii uu la soo saxiixan doono weeraryahan cusub

Tababare Zinedine Zidane ayaa wuxuu daaha ka qaaday inuu kasoo horjeedo aragtida ah inay kooxdiisa Real Madrid lasoo saxiixato weeraryahan dhexe inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee bisha Jannaayo, iyadoo arrintaan wax laga weydiiyey Arbacadii.

Weeraryahanka reer France Karim Benzema ayaa waxaa soo maray maalin kale oo adag kulankii ay Los Blancos semi-finalka koobka FIFA Club World Cup ku wajahday kooxda Al-Jaziira. Balse tababare Zinedine Zidane ayaa taageero u muujiyey weeraryahanka ay isku dalka yihiin.

“Karim Benzema wuxuu soo bandhigay qaab ciyaareed aad u wanaagsan, sidaas darteed ma codsan doono in weeraryahan cusub la iisoo iibiyo bisha Jannaayo,” Zidane ayaa sidaasi u sheegay saxaafadda.

“Qof walba wuxuu leeyahay aragtidiisa u goonida ah, laakiin aniga ahaan Karim Benzema si wanaagsan ayuu maanta u ciyaaray. Kooxdu waxay abuurtay fursado badan, laakiin waxaan ka niyadjabsanahay in uusan Benzema gool dhalin kulankaan.

“Hadda waxaan ku jirnaa marxalad soo kabasho ah, sidaas darteed aad ayaan ugu faraxsanahay sida uu qof walba u ciyaaray”.

Real Madrid ayaa waxaa lala xiriirinayaa weeraryahanno ay ka mid yihiin Timo Werner, Mauro Icardi iyo Fyodor Smolov  kuwaasoo laga yaabo inay kooxdu lasoo saxiixato bisha Jannaayo 2018ka, maadaama uu Karim Benzema ku jiro waqti aad u xun.