DHAGEYSO: Gen. Muqtaar oo faah faahiyay Ismiidaaminta Gen. Kaahiye

Muqdisho-RisaalaFM- Inta la xaqiijiyay 18 Askari oo Boolis ah ayaa ku dhimatay 15 kalena way ku dhaawacmeen Qaraxii Ismiidaminta ee saakay ka dhacay xarunta Tababarka Booliska ee General Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Qof watay Jaakad ay ka buuxeen walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay barxada Iskool Pluzia oo ay subixii ku tababartaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan kuwo isku diyaarinayay xuska aasaaska Ciidanka Booliska oo 20-ka December ku aadan.

Ku simaha Taliyaha Booliska ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Muqtaar Xuseen Afrax oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay nin soo xirtay Jaakada Qaraxda inuu soo dhexgalay Ciidamo quraax cunayay, kadibna uu isku qarxiyay.

Wuxuu sheegay Ciidamada Booliska mar walba in ay diyaar u yihiin in ay u dhintaan dalkooda, wuxuuna tilmaamay Shabaab mar walba in ay ka shaqeeyaan sidii dalka ay dib ugu dhigi lahaayeen, balse aanan laga yeeli doonin.