Yurub oo codsatay dedejinta bixitaanka Britain

Madaxda Yurub oo ku kulansanaa Brussels ayaa ka codsaday Britain inay soo bandhigto qorshaha ay uga baxayso Midowga Yurub sida ugu dhakhsiyaha badan.

Guddoomiyaha guddiga Yurub Jean-Claude Juncker ayaa sheegay in ay tahay in aysan qaadan bilo talaabada xigta,

Hanaanka lagu bilaabayo wada xaajoodkana ka bxitaanka Britain ayaa la filayaa in la billaabo isla marka ay Britain hesho ra’iisul wasaare cusub.

David Cameron ayaa iscasilay aftida bixitaanka Britain kaddib

Ra’iisalwasaaraha haatan, David Cameron, oo u ololeynayay in Britain ay ka sii mid ahaato Midowga Yurub ayaa sheegay inuu xilka ka degi doono bisha tobonaad ee October.

Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa sheegtay inaysan u muuqan fursad dib looga laaban karo go’aanka Britain.

Waxay sheegtay in Yurub ay tahay inay la tacaamusho xaqiiqda hor taalla, xiriirka Midowga Yurub iyo Britain ee mustaqbalkana uu noqdo mid saaxiibtinimo.