Hogaamiyaha mucaaradka dalka Zimbabwe oo kansar laga dawaynayo

Hogaamiyaha mucaaradka dalka Zimbabwe oo harayna u soo noqday Rai’sal wasaarihii hore ee dalkaas Morgan Tsvangirai ayaa dalka Koonfur afrika looga dawaynayaa cudurka kansarka.

War uu soo saaray xisbigiisa MDC ayaa lagu sheegay arrintaas, laakiin markii hore xisbigu kuma dhiiranin in uu sheego in Kansar laga dabiibayo.

Waxaa isa soo taray warar la isla dhexmarayay oo ku saabsan caafimaadka Morgan Tsvangirai, kaddib markii uusan ka soo qeybgalin xaflad dhawaan dhacday oo ku saabsaneyd ololaha xisbibigiisa.

Waxaa lagu soo warramayaa in taageerayaashiisa uu kula hadlay khadka taleefoonka.

Morgan Tsvangirai oo 64-jir ah ayaa soo saaray warbixin uu ku sheegay in ay mudan tahay in uu sheego macluumaadka ku saabsan caafimaadkiisa maadaama uu yahay shaqsi ay tixgeliyaan dadweynahu.