Yaa Ku Haboon In Lagu Soo Bilaabo Weerarka Real Madrid BBC Ama BIC Kulanka Sporting CP?

Qadka dhexe ee Real Madrid ayaa si waali ah u ciyaaray kulankii ugu dambeeyay ee ka dhanka ahaa kooxda ay xifaaltamaan ee Atletico Madrid.

Zidane ayaa dhaawac waxaa kaga maqan Toni Kroos iyo Casemiro waxaana khadka dhaxe uu kusoo daray kulankii Madrid derby Isco oo qaab ciyaareed lagu amaanay muujiyay.

qaab ciyaareedka Isco ayaa su’aal adag ay ku tahay macaliny Zinedine Zidane, oo ka fakiri doona midka uu xulan lahaa Benzema ama Isco.

Kadib markii ay barbaro lama filaan ah la galeen kooxda Legia Warsaw Champions League, Real Madrid aya la ciyaari doonta kooxda Sporting CP talaadada,  waxaana macalinka uu ka fakirayaa midkii kusoo bilaaban lahaa Isco Benzema, taasoo ah doorasho adag.

Cristiano Ronaldo ayaa ciyaaray weerarka dhexe, iyadoo Isco uu ka dambeeyay kulankii Madrid Derby, taasoo keentay in qaab ciyaareed fiican ay sameyso kooxda Real Madrid.

S’aasha hadda la isweydiinayo ayaa ah Real mawaxa ay kusoo bilaabi doonaan weerarka BBC mise BIC.