Xulalka England Iyo Jarmal oo guulo muhiim ah gaareen isreeb reebka koobka aduunka

Xulalka Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa qaadeen talaabooyin ay ku xaqiijin karaan usoo bixitaanka koobka aduunka 2018 lagu qabanaayo Russia kadib markii ay guulo muhiim ah gaareen.

Group C Natiijooyinka kasoo baxeen:

Czech 1-2 Germany

Norway 2-0 Azerbaijan

San Marino 0-3 N.Ireland

Xulka Jarmalka ayaa guul muhiim ah gudaha Czech kusoo gaareen waxaa goolka kowaad u dhaliyay Timo Werner daqiiqadii 4-aad, Jarmalka oo bar bar dhac lagu celin rabo waxaa guul u horseeday Mats Hummels oo kubad uu Kroos soo tuuray madaxa ku dhaliyay cayaarta oo sedex daqiiqo ka harsan.

Jarmalka waxay haatan leeyihiin 21-dhibcood halka Waqooyiga Ireland oo kusoo xigaan ay leeyihiin 16-dhibcood waxaana u wada harsan mid sedex kulan.

Group E Natiijooyinkii kasoo baxeen:

Kazakhstan 0-3 Montenegro

Denmark 4-0 Poland

Romania 1-0 Armenia

Denmark ayaa cashar weyn u dhigeen xulka Denmark cayaar Christian Eriksen gool dhaliyay labo kubadoodna caawiyay.

Poland waxay haatan leeyihiin 16-dhibcood balse waxaa kusoo xigaan Denmark iyo Montenegro oo leh min 13-dhibcood waxaana sedexdooda u wada harsan sedex kulan.

Group F Natiijooyinkii kasoo baxeen:

Lithuania 0- 3 Scotland

Malta 0-4 England

Slovakia 1-0 Slovenia

Xulka Ingiriiska ayaa 4-gool ku xaaqeen Malta waxayna 4-gool la imaadeen qaybta dambe weliba goolka kowaad Harry Kane ayaa daqiiqadii 53-aad dhaliyay.

Malta 5-daqiiqo gudaheeda ayaa sedex gool laga dhaliyay inta xiliga dhamaadka cayaartan lagu guda jiray waxaana goolasha kadhaliyeen Ryan Bertrand, Danny Welbeck iyo Harry Kane oo labeestay.

England haatan waxay leeyihiin 17-dhibcood ayagoo 2-dhibcood ka sareeyaan Slovakia waxaana u wada harsan min sedex kulan booska kowaad ee sida tooska koobka aduunka 2018 loogu soo aadayo ayay isku heestaan.

Xigasho Gool.Net