US” Hogaamiyaha ururka la baxay dowladda islaamka wuu nool yahay”

Waxaa suuragal ah in hogaamiyaha ururka la baxay Khilaafada Islaamka uu weli nool yahay, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka mid ah ciidamada Mareykanka.

Hadalkaas wuxuu khilaafayaa mid horey uu u sheegtay Ruushka oo ahaa in ciidankooda ay dileen Abubakar Al-Baqdaadi, ka dib weerar bishii May ka dhacay Suuriya.

Al-Baqdaadi waxaa laga yaabaa in uu isku qarinayo xuduudda u dhaxeyso Suuriya iyo Ciraaq, ayuu yiri Janaraal Stephen Townsend, oo ah taliyaha isbeheysiga la dagaallamayo kooxda Dowladda Islaamka.

Waxaa suuragal ah in uu ka qaxay weerarka ka dhanka ah kooxda ee looga qabsaday deegaano badan. Meesha uu ku nool yahay Baqdaadi lama ogeyn in muddo ah.

Bishii June, Ruushka ayaa sheegay in ay “aad suuragal u tahay” in Baqdaadi uu ku dhintay duqeyn ka dhacday Raqa oo ah caasimadda kooxda ee Woqooyiga Suuriya.

Markaasi ka dib, kooxo hubeysan ayaa duulaan ku ekeeyay magaalada, waxaana la qiyaasayaa in illaa 2,000 oo dagaal yahan oo daacish ah ay ku jiraan, kuna go’doonsan yihiin.