War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa waxaa si adag loogu cambaareyay hadallada ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ee ka dhanka ah Boqortooyada Sacuudiga, ee ku aadanaa in Falastiin ay dhul ka siiso dalkooda.
Bayaanka wasaarada ayaa lagu sheegay in wax laga xumaado ay tahay hadalada xanafta leh ee kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Israel Netanyahu, waxaana Wasaaraddu ay xustay in hadaladaasi ay muujinayaan xadgudub bareer ah oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo ku xadgudubka Axdiga Qaramada Midoobay.
Sidoo kale wasaarada ayaa si rasmi ah u sheegay in Soomaaliya si buuxda u garab taagan tahay Boqortooyada Sucuudi Carabiya, waxayna caddeysay inay si joogto ah uga go’an tahay mabaadi’da madax-bannaanida, xasilloonida iyo ixtiraamka sharcinimada caalamiga ah.
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay sidoo kale xaqiijineysaa in ay si weyn u taageersan tahay xuquuqda sharciga ah ee dadka reer Falastiin, oo ay ugu horreyso xaqa ay u leeyihiin in ay dhistaan dowlad madax bannaan oo caasimad u ah Bariga Quddus, si waafaqsan go’aannada sharci ee caalamiga ah.”ayaa lagu yiri qoraalka.
Waxay ku baaqeysaa dadaallo lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo cadaalad oo ka hana qaada gobolka sida lagu sheegay War saxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha dibeda ee Somalia.
Wasaaradda ayaa ugu dambeyntii ku tilmaamtay qorshaha Madaxweyne Trump ee barakicinta shacabka Falastiin xadgudub halis ah ku ah sharciga caalamiga ah ee bini’aadanimada iyo mid wiiqaya dadaallada lagu gaarayo nabad waarta oo ka dhacda gobolka.
Trump ayaa donaya inuu raro shacabka Falastiin, iyadoona si weyn go’aanka Madaxweynaha Mareykanka ay ugu horjeesteen madaxda wadamada Caalamka.
Dagaalka Israa’iil ee 15 bilood ka socday Marinka Gaza ayaa si weyn u burburiyay deegaankaas, iyadoo ugu yaraan 61,707 qof lagu dilay, sida lagu sheegay tirokoob cusub oo ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.



