Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey isu gurmashada iyo is-garab istaagga ay isu muujiyeen dadka deegaanada Puntland , gaar ahaan dhallinyaradii xalay oo idil u taagnaa samata-bixinta qoysaska ay saameeyeen daadadka kusoo rogmaday Magaalada Khardho.
Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda Soomaaliya in ay Guddi Gurmad Qaran ah u saarto musiibada daadadkan ku soo rogmaday Qardho,si dadka loo samatabixiyo.
Roob saacadihii la soo dhaafay ka da’ayay Magaaalada Khardha ayaa waxaa uu sababay inay Magaalada daadad kusoo rogmaday,waxaana inta la xaqiijiyey ku dhintay 7 Ruux.



