Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Saddex rag ah oo lagu helay inay ka dambeeyeen dil Duleedka degaanka Ilix oo ku dhow degaanka Ceeldheere ee Gobolka Galgaduud loogu geystay Macalin Dugsi iyo Walaalkiis oo Dhaqtar ahaa, halka mid kale ay siideysay.
Afarta raga ahaa ayaa laga soo qabtay degaano u dhow degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe 12-kii Bishii December ee sanadkii 2023, waxaana loo heystaa dilka Macalin Liibaan Xasan Cismaan iyo Dr Axmed Xasan Cismaan
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Galgaduud Sheekh Cusmaan Cali ayaa ku dhawaaqay Xukunka raga loo heysto dilka ayaa sheegay in xukun dil toogasho lagu riday, iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen Ehellada labada dhinac.
Dhowr jeer ayaa degaano iyo degmooin katirsan Gamudug waxaa ka dhacay dilal la xiriiray aanooyin qabiil, iyada oo dadkii ka dambeeyay qaar la toogtay halka dadka qaar ay weli xiran yihiin



