Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Arbaco ah ay kulan wadajir ah ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Guddoonka labada Aqal ayaa Xildhibaannada labada Aqal ku wargeliyay in Maanta uu jiro kulanka labada Aqal, isla markaana Xildhibaannada loo baahan yahay inay kasoo qeyb galaan.
Dib u eegista Dastuurka
Marxaladda 2aad
Ka doodista Soo jeedimaha Wax- kabadalka Dastuurka
Cutubka 2aad
Xildhibaannada labada Aqal ayaa lagu wadaa inay siweyn uga doodaan qodobada qaar ee waxka bedelka lagu sameeyay ee Dastuurka, iyada oo ay goobjoog ka yihiin Guddiga Arrimaha Dasuurka ee labada Aqal iyo Guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuirka.



