Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay Kulan looga hadlayay Arimaha Xajka oo mudooyinkan doodeeda ay ka taagneyd Xafiisyada Dowladda.
Kulanka waxaa soo agaasimay qaar kamid ah Dadkii snaadan uxajinayay Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo qaba walaac la xiriirta inuu Baaqdo Xajka maadaama waqtigii la bixi jiray la dhaafay.
Waxa ay baaq udireen Madaxda ugu sareysa Dalka gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre iyagoo usoo jeediyay iney qaataan doorkooda Hogaamineed ee arintan.
Sido kale kulanka waxaa goob joog ka ahaa qaar kamid ah Culimada Somaliyed oo ay kamid ahaayeen Sheekh Maxamed Nuur Bukhaari, Sheekh Maxamed Shiine iyo Sheekh C/Casiis Cabdulle Guure, Culimadan waxey madasha ka sheegeen in Dowladihii dalka soo maray Burburkii akidb aaney soo faragelin arimaha Xajka oo hada la siyaasadeeyay.
Halkan ka aqri warsaxaafadeed ka soo baxay kulanka





