Magaalada Muqdisho, waxaa goor dhaw soo gaaray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde).
Wararka laga helaayo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa sheegaya inuu hadda socdo kulan u dhaxeeya Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Madaxda dowladda Federalka Soomaaliya.
Maalmo ka hor ayuu sheegay in uu booqan doono Qaarada Afrika , waana Safarkii ugu horeeyay ee uu ku yimaado Afrika tan iyo Markii la doortay 1-dii January 2017.
Safarkiisa ayaa ku qotoma wax ka qabashada Abaaraha ka jira Qaarada Afrika oo maalinba maalinta ka dambeysa kasii daraya.



