Wafdi Caalami ah oo Muqdisho kusoo wajahan

Berlin, Germany - November 04: Antonio Guterres, High Commissioner for Refugees of UNHCR, attends a press conference in german foreign office on November 04, 2015 in Berlin, Germany. (Photo by Michael Gottschalk/Photothek via Getty Images)

Waxaa Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu soo gaaro xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres iyo Wafdi heer Caalami ah oo uu hogaaminaayo.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa lagu wadaa Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya in uu la kulmo , islamarkaana uu kala hadlo Abaaraha baahsan ee ka jira Soomaaliya.

Maalmo ka hor ayuu sheegay in uu booqan doono Qaarada Afrika , waana Safarkii ugu horeeyay ee uu ku imaanayo Afrika tan iyo Markii la doortay 1-dii January 2017.

Safarkiisa ayaa ku qotoma wax ka qabashada Abaaraha ka jira Qaarada Afrika oo maalinba maalinta ka dambeysa kasii daraya.