Xisbiyada Wadajir iyo Himilo Qaran ayaa hambalyo u diray Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, kuwaasoo maanta lagu dhaariyay magaalada Kismaayo.
Labaddaan xisbi ayaa soo dhoweeyay , islamarkaana boggaadiyay howsha Guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland iyo sida ay uga dhabbeeyeen jadwalkii ay horay u dagsadeen.





