Isaga oo ka hadlayay kullanka golaha shacabka ee maanta laguna ansixinaayay xeerka wax ka badalka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayuu Xildhaibaan Cabdullaahi Goodax Barre sheegay in Been aan raad laheyn oo qaran dumisnimo uu ku tilmaamay laga fididay xeerkaasi.
Xildhibaan Goodax oo sidoo kale ah Wasiir ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu difaacay xeerka qof ajnabi ah loogu dhiibayo Baanka Dhexe ee Soomaaliya, xeerkaasi oo la fahansanyahay in xukuumadda ay gadaal ka riixaysay.
“Sidaan ka warqabno waxaa xeerkaan maanta na horyaalla laga fidiyay been aan caadi aheyn, oo Qaran dumisnimo ah, Bankiga dhexe ee Soomaaliya waxa uu lahaan doonaa sharafta uu weligiis lahaa” ayuu ka hor sheegay xildhibaanada golaha Shacabka Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre.
Xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta ugu dambeyn ansixisayay xeerka ogolaanayo in qof ajnabi laga dhigi karo gudoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya.



