Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadam Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta waxaa uu shaaca ka qaaday inay jirto mooshin ay lasoo wadaageen qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaannada laga soo doortay Jubbaland ayaa mooshinka u gudbiyay guddoonka sare ee Golaha Shacabka, kaas oo ku aadan xaaladda cusub ee kasoo korortay xiisadda u dhexeysa dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland.
Mooshinkan ayaa daba socda xildhibaannadii shalay lagu xayiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyaga oo kusii jeeday dhanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, sida uu sheegay Xildhibaan Xasan Yare oo kamid ah xubnaha saxiixay mooshinka.
Qaar ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda Jubbaland ayaa Warbaahinta u sheegay in dooda mooshinka la geli doono maalinta Sabtida ah ee todobaadka soo socda.
Xildhibaan Cabdirashiid Jire Qalinle iyo Xildhibaan Cumar Qalad-diid ayaa shalay dowladda Soomaaliya waxaa ay ku xayirtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, kadib markii la ogaatay inay u socdaan magaalada Kismaayo, waxaana laga hor istaagan safarkaasi.



