DEG DEG:- Dagaal xooggan oo ka socda degmada Ceelbaraf.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa dagaal toos ah iyo duqeymo ku qaaday Degmada Ceelbaraf ee gobolka shabeelada Dhexe.

Dagaalka iyo duqeynta ayaa waxaa ay ka socotaa duleedka degmada Ceelbaraf, waxaana lala beegsanaya maleeshiyaadka Al-shabaab oo maalmo ka hor la wareegay degmadaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhawaqa rasaasta iyo madaafiicda laga maqlayo deegaanada u dhow degmada Ceelbaraf, mana cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabelle ayaa saacadihii u dambeeyay xoogga saarayay abaabulka ciidamadaan Federaalka iyo Kuwa deegaanka ee Macawiisleyda si loo xoojiyo howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Hir-Shabeelle iyo siddii Al-shabaab looga saari lahaa degmada Ceelbaraf.

Xaaladda ayaa haatan kascsan, waxaana lasoo warinayaa in DFS iyo Hirshabelle ay ciidamadii ugu badnaa ay geeyeen duleedka degmada Ceelbaraf, iyadoona weli dagaalka uu socdo.

War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri:

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa maanta weerarka culus ku qaaday xubno ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo isku aruursanayey duleedka magaalada Ceelbaraf ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Weerarka ayaa yimid kadib markii saraakiisha ciidanka ay xogtaan ka helaan dadka deegaanka oo wadashaqayn dhow la leh Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka.

Weerarka ay saakay Ciidamadu ku qaadeen waxaa lasoo sheegayaa in khasaare culus lagu gaarsiiyey Khawaarijta, faahfaahin rasmi ah ayaan ka soo gudbi doonaa howlgalka ka socda dhulka howdka ah ee degmada Ceelbaraf.

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah gobollada lagu jabiyay Al-Shabaab, isla-markaana inta badan laga saaray deegaanada gobolkaasi oo ay ku lahaayeen saldhigyo waa weyn, inkastoo maalmihii ugu dambeeyay ay weeraro ku qaadayeen saldhiyada ay ciidamada DFS iyo kuwa dadka deegaanka ay ku leeyihiin deeganada gobolkaasi.