Kulan weynihii golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u baaqday kooram la’aan, ka dib markii la waayay tiradii loo baahnaa si uu furmo.
Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta Gudoonka golaha shacab ah u gudbiyay Mooshin ka dhan ah tilaabadii Xildhibaana ka tirsan Golaha Shacabka ay sheegeen in loogu diiday Safar ay ugu socdeen Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) ayaa sheegay in isla xisaabtami doono xildhibaannada aan fadhiga ka soo qayb gelin kulanka.
Aadan Madoobe ayaa xildhibaanada u sheegay in arrintaasi ay ceeb ku tahay baarlamaanka isaga oo ugu digay in mar kale ay dhacdo.
Xildhibaanno badan ayaa ku maqan dalka dibadiisa wali oo aan soo xaroon xilli la furay kalfadhiga Xildhibaannada golaha shacabka.



