Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwad ciqaab ah oo loo heysto toddoba qof oo xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu kusoo eedeeyay in ay galeen dambiyo la xariira tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka nool oo qaarkood badda lagu waayey.
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa eedeysanayaasha ka soo qabtay goobo kala duwan, kadib markii Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu helay xogta shabakadda maanta lagu bilaabay maxkamadeynta.
Raggaan ayaa si gaar ah ugu eedeysan in ay ku lug leeyihiin tahriibinta dhallinyaradii dhammaadkii sannadkii hore ku geeriyootay badweynta Hindiya, kuwaasi oo gaarayay 28 qof, kadib markii magafayaashii loo gacan galiyay ay badweynta kaga tageen doontii la saaray.
Dowladda Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay dhallinyaradii ka badbaaday dhacdadaas, intaas kadibna waxaa bilowday howlgal lagu soo qabqabtay ragga maanta la maxkamadeynayo.
Maxamed Jimcaale oo loo heysto eed weyn oo ah inuu iibsaday dhalinyaro Soomaaliyeed si loo adoonsado iyo dhimashada 28 muwaadin ayaa Maxkamada gobolka ka soo muuqday, sida uu sheegay Gudoomiyaha maxkamada gobolka Banaadir Saalax Dabaan



