In ka badan 100 xildhibaan ayaa si adag uga hor yimid go’aankii uu maanta ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe,) kaasi oo lagu sheegay in xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib uu lumiyay xubinnimadiisii Baarlamaanka.
Xildhibaanadani waxay si cad u diideen tallaabadan, iyagoo ku tilmaamay mid aan waafaqsaneyn sharciga iyo xeer-hoosaadka Baarlamaanka.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xildhibaanada xiligan ay diyaarinayaan mooshin ka dhan ah guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Halkaan hoose ka akhriso magacyada xildhibaanada ka hor-yimid go’aankan.






