Xildhibaanada labada Aqal oo kulan aan caadi ahayn Maanta yeelanaya

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelaanaya kulan wadajir ah, kaas oo ay uga doodayaan Ajandayaal dhowr ah

xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  ayaa ayaa loo diray Fariin ah in kulanka maanta ay ka soo qayb galayaan kaas oo Arimo xasaasi ah looga hadlayo lagana  codsaday in ay soo xaadiraan Kulanka oo ku saabsan ansixinta hindisaha xeerka dhisidda guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka.

Ajandaha kulanka ayaa lagu sheegay akhrinta saddexaad iyo u codaynta hindisaha xeerka dhisidda guddiga madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha, sida lahu sheehay  fariinta lala wadaagay xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka dalka.

Fariinta qoraalka ee loo diray xildhibaanada labada Aqal waxa lagu xusay in ajandaha fadhiga Maanta  uu ku jiro akhriska labaad ee hindisaha xeerka ururrada iyo xisbiyada siyaasadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.